Dakhliga Kastamyada Soomaalilaan iyo Dowlad-dhiska: Saamaynta Ururinta iyo Wadaagga Dakhliga ee Dowladaha Hoose

Author: Academy for Peace and Development

Abstract

Doodda ku aaddan ururinta iyo wadaagga dakhliga dowladaha hoose waxay taagnayd ilaa 1990-nadii, laakiin waxay aad u xoogaysatey dhowrkii sano ee ugu danbeeyey. 27-kii Juun 2022, xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada ee Soomaalilaan ayaa soo gudbiyey soojeedin (mooshin) wax lagaga beddelayo, Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Xeer Lr. 23/2019. Wax ka beddelkaa ujeeddadiisu waxay ahayd in la saxo “sinnaan la’aanta” ka jirta wadaagga dakhliga. Mooshinkaa waxaa ka soo horjeestay xildhibaanno iyo qaybo kale oo bulshada ka mid ah. Iyada oo doodda daaran wadaagga dakhligu, gaar ahaan dakhliga dowladaha hoose, uu saamayn ballaadhan ku leeyahay wadajirka qaranka, dowlad-dhiska iyo xidhiidhka ka dhexeeya bulshada iyo dowladda, waxaa yar fahamka iyo dhigaalka ku saabsan dooddan.

Bibtex

View/Download Link